Jubbaland oo ka hadashay eedeymaha Qadar ee warbixintii NYT

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Maamulka Jubbaland oo soo saarey war-saxaafadeed ayaa wuxuu "ayiday" warbixintii shabakada New York Times ee ku eedeysay dowladda Qadar in ay ku lug-lahayd qarax ka dhacay Boosaaso.

Weerarkaasi oo lasoo wariyay bishii May isla markaana dhaawacay in ka badan Sideed ruux ayaa waxaa sheegatay mas'uuliyadiisa Daacishta Soomaaliya.

Xukuumaddaha Dooxa iyo Muqdisho oo qashinka ku daray maqaalkaasi ayaa xusay in shaqsiga lasoo xigtay ee la tilmaamay in uu ku dhow yahay Amiirka Qadar uu yahay "ruux aanan jirin".

Bayaanka maamulka Kismaayo ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay difaaceyso "dowladdo shisheeye oo xasuuq iyo burbur u geystay Umadda Soomaaliyeed".

Hadalkan ayaa imaanaya iyadda oo Puntland ay codsatay in baaritaan lagu sameeyo warbixinta, ayna shaacisay in ay soo bandhigeyso baaritaan gaar ah oo ay ku sameysay dilka maareeyihii shirkada P&O Ports ee Boosaaso.

Geesta kale, war-saxaafadeedka ayaa "waraaqado dastuurka baalmarsan" ku sifeeyay qoraalo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha federaalka oo ay ku naqdiday odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland.

Maamulka Axmed Madoobe oo ku adkeysanaya in uu sugan karo amniga doorashooyinka dowlad goboleedkaasi ee loo balansan yahay bisha dambe ayaa ka digay shirar lagu khal-khal gelinayo ammaanka Jubbaland.

Ugu dambeyntii, shacabka iyo caalamka oo uu ka codsaday in ay si dhow ula socdaan xaaladaha Jubbaland ayaa waxaa lagu xusay bayaanka in wixii "cawaaqib xumo ah" ay mas'uuliyadeeda qaadeyso xukuumada.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM