Jubbaland oo ka jawaabtay Go'aankii Aqalka Sare ee Khilaafka dalka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay go'aannadii Aqalka Sare [Halkan ka akhri] shalay kasoo saarey xal-u-helidda khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada.

Xirsi Jaamac, Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Jubbaland, ayaa marka hore soo dhaweeyay dedaallada xal-raadinta Aqalka Sare, isagoo sheegay in wali wax badan ay dhiman yihiin in ismariwaaga laga gudbo.

Wuxuu daboolka ka qaadey in qodobo muhiim ah aan lagu soo darin 8-dii qodob ee lagu xusay warbixinta Gudiga dhex-dhexaadinta Gollaha Aqalka Sare, kuwaasoo ay kamid yahay Cadaaladda.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay jiraan qodobo ay ka caga jiideyso fulintooda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasina ay caqabad ku tahay isku-dayga Aqalka Sare ee soo afjaridda khilaafka siyaasadeed.

Waxa uu warbixinta Guddiga Aqalka Sare ku tilmaamay billow fiican iyo tallaabo wanaagsan, balse aan loo fasiri karin dhamaadka khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiiru dowlaha ayaa xusay in Jubbaland ay soo dhaweynayso doorka Aqalka Sare, oo ah mid loo baahnaa, oo xilligiisa yimid, islamarkaana Jubbaland diyaar u tahay inay la shaqeyso.

Ugu dambeyntii, Xirsi ayaa sheegay in madaxda Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay soo saari doonaan war-saxaafadeed ku aadan go'aanada Aqalka Sare, ee ku aadan khilaafka kala dhaxeeya Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM