Jubbaland oo ka jawaabtay Go'aankii Aqalka Sare ee Khilaafka dalka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay go'aannadii Aqalka Sare [Halkan ka akhri] shalay kasoo saarey xal-u-helidda khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada.

Xirsi Jaamac, Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Jubbaland, ayaa marka hore soo dhaweeyay dedaallada xal-raadinta Aqalka Sare, isagoo sheegay in wali wax badan ay dhiman yihiin in ismariwaaga laga gudbo.

Wuxuu daboolka ka qaadey in qodobo muhiim ah aan lagu soo darin 8-dii qodob ee lagu xusay warbixinta Gudiga dhex-dhexaadinta Gollaha Aqalka Sare, kuwaasoo ay kamid yahay Cadaaladda.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay jiraan qodobo ay ka caga jiideyso fulintooda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasina ay caqabad ku tahay isku-dayga Aqalka Sare ee soo afjaridda khilaafka siyaasadeed.

Waxa uu warbixinta Guddiga Aqalka Sare ku tilmaamay billow fiican iyo tallaabo wanaagsan, balse aan loo fasiri karin dhamaadka khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiiru dowlaha ayaa xusay in Jubbaland ay soo dhaweynayso doorka Aqalka Sare, oo ah mid loo baahnaa, oo xilligiisa yimid, islamarkaana Jubbaland diyaar u tahay inay la shaqeyso.

Ugu dambeyntii, Xirsi ayaa sheegay in madaxda Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay soo saari doonaan war-saxaafadeed ku aadan go'aanada Aqalka Sare, ee ku aadan khilaafka kala dhaxeeya Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM