Xukuumada oo lagu eedeeyay khalkhal gelin amni iyo farogelin gurracan

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Khilaafka u dhaxeeya madaxda Villa Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa u muuqda mid waji cusub lugaha lasii galaya kadib iska hor-imaadkii garoonka diyaaradaha Kismaayo, galabnimadii Khamiista.

Isku dhaca oo u dhaxeeyay ilaalada murashax madaxweyne Cabdinaasir Seeraar iyo Booliska ayaa yimid markii siyaasiga uu ku gacan-seyray dalab ku aadan in ciidamadiisu hubka dhigaan iyo la baaro agab uu watay.

Sidda ku cad war-saxaafadeed luqad adag lagu qoray oo kasoo baxday wasaarada arrimaha gudaha maamulkaasi, dowlada ayaa "mas'uul ka ah dhacdadaasi, waxayna caddeyneysaa in ay ka shaqeyneyso khalkhal gelinta Jubbaland".

Inta la xaqiiyey hal askari ayaa ku dhintay dhacdadaasi, xili ay ku dhaawacmeen laba kale, oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee xarun goboleedka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

"Waxaa iyana cad in xukuumada federaalka ay farogelin gurracan ku hayso degaanada Jubbaland, arrintaasi oo uu horey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland war-saxaafadeed ku xusay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Is-rasaaseynta gegida diyuuradaha Kismaayo ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelatay Shirka Garowe uga socda madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo qarka u saaran in uu burburo. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Wasaarada Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa ka digtay talaabooyin lagu majaxaabinayo amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha oo bisha Agoosto loo balansan yahay.

"Doorashadaasi si xor iyo xalaal ah ayay ku dhaceysaa," ayaa laga soo xigtay war-saxaafadeedka wasaarada oo intaasi raacisay "Jubbaland uma dulqaadan doonto in ammaankeeda la wiiqo".

Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayay cod dheer uga dalbatay in ay si dhow ula socdaan "ficilada dowlada federaalka ku khal-khal gelineyso amniga Jubbaland ee ay iyada qaadi doonto wixii dhib ah ee ka yimaadda".

Xeel-dheeraaasha ayaa rumeysan in eed isku tuur-tuurka dhinacyada is-haya ay dharbaaxo ku noqoneyso dadaalada dowlada federaalka oo kaashaneysa beesha caalamka ee xasilnta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM