Jubbaland oo maamul cusub u magacawday degmada Afmadow [Wareegto]

Image

KISMAYO, Somalia - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, ayaa maamul cusub u magacawday maanta degmada Afmadow, ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo maalmo kahor uu safar shaqo ku tagey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wareegto kasoo baxday maanta oo Axmed ah kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimah Gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish ayaa Yuusuf Xasan Xuseen loogu magacaabey gudoomiyaha cusub ee degmada Afmadow.

Sidoo kale Cali Rabaax Sheekh Cumar loo magacaabey gudoomiye ku xigeenka Afmadow. Wasiirka ma uusan sheegin sababta maamulkii hore xilka looga qaadey.

Gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa la ogeysiiyay magacaabista maamulka cusub ee Afmadow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM