Jubbaland oo maamul cusub u magacawday degmada Afmadow [Wareegto]

Image

KISMAYO, Somalia - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, ayaa maamul cusub u magacawday maanta degmada Afmadow, ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo maalmo kahor uu safar shaqo ku tagey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wareegto kasoo baxday maanta oo Axmed ah kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimah Gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish ayaa Yuusuf Xasan Xuseen loogu magacaabey gudoomiyaha cusub ee degmada Afmadow.

Sidoo kale Cali Rabaax Sheekh Cumar loo magacaabey gudoomiye ku xigeenka Afmadow. Wasiirka ma uusan sheegin sababta maamulkii hore xilka looga qaadey.

Gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa la ogeysiiyay magacaabista maamulka cusub ee Afmadow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM