Jubbaland oo maamul u soo magacaabaysa Baardheere [Dhageyso]

Image

July 23, 2015 (GO)- Dawlada Jubbaland ayaa sheegtay inay maamul u samaynayso degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay maamul u samaysanayaan degmada Baardheere, kadib markii ciidamada huwanta ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland qabsashada Baardheere ay ku wehliyeen ciidamada AMISOM, waxaana uu xusay inay tahay degmada kaliya ee ururka Al-shabaab ka haysteen gobolka Gedo.

Cabdinuur ayaa tilmaamay  in xaalada magaalada ay tahay mid degan ayna jiraan howl galo ay wadaan qaybo kamida ciidamada si loo xaqiijo ammaanka, waxaana uu sheegay inuu jiro qorshe ay Al-shabaab uga saarayaan deegaanda  maamulka Jubbaland hoos yimaada.

Degmada Baardheere oo in ka badan shan sano ururka Al-shabaab ka talinayeen ayaa shalay gacanta u gashay ciidamda huwanta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM