Jubbaland oo "qabatay" saddex Tanzanian Al-Shabaab ah

Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ciidamada ammaanka magaaladda Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose ayaa waxay "gacanta ku dhigeen" rag ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Xubnahaasi oo tiradooda lagu sheegay saddex ayaa la tilmaamay in ay kasoo jeedan waddanka Tanzania ee qaaradda Afrika.

Maamulka Jubbaland oo shaaciyey in shaqsiyaadkan lagu soo qabtay howlgal ayaa nan soo bandhigin talaabadda xigta.

Horey degaanadda Jubbaland ayaa waxaa lagu xiray xubno kamid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida, kuwaasi oo aanan wali maxkamad lasoo taagin.

Si lamid ah waxaa intaasi wehlisa in ay jiraan dagaalameyaal isa soo dhiibay, kuwaasi oo qaarkood loosoo duuliyey magaaladda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa maamusha qaybo kamid ah Jubbaland oo ay ku jirto caasimada dowlad goboleedkaasi ee Bu'aalle oo hoostagta gobolka Jubadda Dhexe.

Ajaaniibta ka barbar-dagaalanta kooxdan oo kasoo kala jeeda wadamo kala gedisan ayaa la sheegaa in ay ku dhuumaaleystaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Xoogagan oo 2012-dii laga saarey magaaladda dekadda leh ee Kismaayo ahna xarunta ku meel gaarka Jubbaland, ayaa bartamihii bishan ka geystay halkaasi weerar ay ku naf-waayeen in ka baddan 30 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM