Jubbaland oo u gaarsaneysa "dhagar-qabeyayaal" dhaawacay qareen

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dabley ayaa lagu waramayaa in xalay magaaladda Kismaayo, caasimada ku meel gaarka Jubbaland, ay habeenimadii Jimcada, 13-ka September 2019, ay ku dhaawacmeen qareen caan ah.

Axmed Jaamac Qalyar oo wararku sheegayan in dhowr rasaas ay ka haleeshay qeybaha sarre ee jirkiisa ayaa la dhigay isbitaal, halkaasi oo la sheegayo in xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Saraakiisha caafimaadka oo tibaaxay in dhaawaca uu yahay "mid khatar ah" ayaa waxay u rajeeyeen soo kabasho degdeg ah.

Qalyar ayaa sidoo kale wuxuu ahaa gudoomiyaha Golaha Isbedel Doonka Jubbaland, ee kasoo horjeeda madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Wasaarada Amniga maamulka Kismaayo oo shaaqada ka qaadey in xaaladda mas’uulkan ay soo wanaagsanaaneyso ayaa qeexay in ay ku raad-joogto "dhagar-qabeyaashii" falka ka dambeeyay.

"Suurtogal ma ahan in ay magaalada ka dhacan ficilada noocaan ah. Ciidamadda amniga waxay dabagal ku wadaan dhagar-qabeyaasha. Waana lasoo qaban doonaa," ayuu yiri Cabdinuur Ibraahim Xuseen, afhayeenka wasaaradda.

Sikastaba, ammaanka degaanada Jubbaland ayaa sarre loo qaadey kadib coddeyntii ugu dambeysay, waxaana mas'uuliyiinta ay xuseen "in cid kasta oo khal-khal gelisa aanan loo dulqaadan doonin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM