Jubbaland oo Villa Somalia uga digtay faragelin doorasho [Dhageyso]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga ee maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Janan ayaa uga digay madaxda dowladda dhexe inay faragelin ku sameeyaan doorashadda dowlad goboleedkan oo la filaya in sanadka 2019 dhacdo.

Mr Janan ayaa si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay inaanu usoo diri karin magaalada xeebeedka Kismaayo musharax gaar ah, kaasi oo ay wehliyaan gaadiid dagaal, Hub iyo ciidamo isaga daacad u ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu wacad ku maray inay ka celin doonan garoonka diyaaradaha murashaxii ku sifoobay dhamaan arrimahaan, isaga oo faray dhamaan hay’adda ku shaqada leh inay fuliyaan

Balse, wasiirka ayaa wuxuusan meesha ka saarin inay soo dhawayn doonan murashaxii aanan ka fogaada dhaqankaasi, wuxuuna intaas ku daray inay sugi doonan amnigiisa, “iskaba daayee inay waxyeelo ugeystaan”

“Adiga [murashaxiinta] oo aadan wadan gadiid dagaal, hub ama ciidamo kasoo deg garoonka. Waxba ku yeeli mayno, xaq-baad uleedahay in lagu doorto. Laakiin, hadii ay taasi dhacdo, waan ka celin doonaa garoonka,” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka kasoo yeeray wasiirka Amniga ee Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili madaxda Villa Soomaaliya la sheegay inay ku mashquulsan yihiin sidii ay guuldaro dusha ugu saari lahaayeen Axmed Madoobe doorashada soo socota.

Dowlada Federaalka oo lagu dhaliilay inay faragelin ku hayso doorashada Koonfur Galbeed ayaa haatan la sheegay inay u dirtay Baydhabo labo murashax oo wata gaadiid dagaal, hub iyo ciidamo, taasi oo caasimad goboleedka Bay ka abuurtay khal-khal amniga, xili doorashada ay maalmo naga xigto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM