Justin Horsman: Xusuusaheygii farxada iyo murugada ee Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Justin Horsman oo kamid ahaa ciidamo Ameerikaan ah kuwaasoo Soomaaliya loogu soo daabulay kadib dagaalkii sokeeye ee waddanka ayaa wuxuu si furan u shaaciyey xusuusihii uu diiwaanka ku qoray.

Wareysi uu siiyey Examiner Enterprise ayuu ugu horeyn kusoo bandhigay wixii ugu wanaagsanaa ee uu la kulmay markii uu Soomaaliya joogay xilli uu xusay in maalintiisii ugu horeysay ay xabad haleeshay.

Maalintii ay xabadda ku dhacdey ayuu hoosta ka xariiqay in uu diiwaan-geliyey xasuustiisii ugu wanaagsaneyd taasoo ah in uu $2 ku iibsaday cunto Soomaali qiimaheeda uu gaarayey Labaatan Doolarka Maryekanka.

"Sababta waxay ahayd lacagta qiima ma lahayn. Dowladda waxay bedeleysaa sicirka 30-kii maalmood hal jeer. Waana maalintaas mrkii uu u toogtay qof shiisheeya ah, waxayna ahayd maalinteydii iigu horeysay guud ahaan Soomaaliya," ayuu hadalkiisa kusii daray askarigaan.

Daqiiqadihii ugu horeeyay ee xabadaas ay haleeshay ayuu xusay in uusan dareemin, balse markii uu dhulka dhacay uusan helin gargaar "xataa dadkii ima aysan siin dareen, waxay iska sii wateen socdaalkooda".

Shaqsi uusan kala caddeyn hadii uu Soomaali ah iyo in kale ayuu ka dhawaajiyey in uu la socdey isla markaana uusan isaga xitaa caawin.

Xusuustiisii ugu xumeyd ayuu ku qeexay dagaaladii uu ka qeybgalay saddex bilood oo waddanku joogay "gaar ahaan dhiig hareeyay dhabarka dambe ee gaarigeena, meydadka askar Ameerikaan ah iyo calankeena oo dhacaya"

Sikastay ahaato, Justin Horsman ayaa kamid ahaa guutada 24aad ee ciidamadda Mareykanka gaar ahaan kuwa looga jawaabo meelaha ay qalalaasaha ka dhacaan, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa Marine Expeditionary Unit.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM