Juxa oo faah faahshay shirka ka furmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka warbixiyay shirka wada tashi ee hogaanka Maamul Goboleedyada iyo madaxda dawladda dhaxe ee Soomaaliya uga furmay Muqdisho, ayaa faah-faahiyay qodobada looga hadalayo kulankaas.

Juxa ayaa oo saxafada u akhriyay waxyaabaha laga doodi doono mudada uu shirkaas socdo ayaa tilmaamay in diiradda la saari doono qodobo ay ka mid yihiin, Wadashaqeynta iyo xalinta arrimaha dawladda federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah, Dar-dargalinta nabad galyada, ciribtirka argagixisada, Abuurista hanaan looga hadlayo dib u eegista dastuurka, Geedi socoda doorashada 2020-ka iyo ka faa’idaysiga mashaariicda harumarineed ee dalka, kuwaas oo uu cadeeyay in si qoto dheer looga wada tashan doono.

Cabdi Faarax oo aan si rasmi ah u cadeyn maalmaha uu socon doono kulanka madaxda ayaa tilmaamay in uu si wayn ugu kalsoon yahay in shirkan ay ka soo bixin doonaan qodobo dhaxal gal ah, oo ay ka faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Wasiir (Juxa) ayaa u mahed celiyay Guddiga farsamada ee ku howlan qaban qaabada shirka wadatashi, isagoona balan qaaday in mar walba ay wasaaradiisu ka shaqeyndoonto dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM