Ka bilow Gedo ku gey HirShabelle: Caqabadaha cusub ee doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa wadahadalo ay Muqdisho ku yeesheen kasoo saarey heshiis iyo jadwal taariikheysan oo ku saabsan doorashada nagu soo fool leh ee dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021.

Inkasta oo siyaasiyiin qaar ay sheegeen in uu soo daahay, heshiiska wuxuu ugu yaraan hoos u dhigay cabsidii ku darsiga iyo hubanti la'aanta.

Hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in ay soo if-baxayaan jidgooyooyin cusub kuwaasoo carqaladeyn kara coddeynta hadii madaxda aysan mar kale fariisin kana soo saarin go'aan wada ogol ah.

Qadiyada gobolka Gedo

Dowladda Soomaaliya ayaa geysay ciidamo sanad kahor kuwaasoo maamulaya magaalooyinka waaweyn soona musaafuriyay mas'uuliyiintii ugu magacownaa Jubbaland taasoo maamulka Axmed Madoobe ka gadoodey.

Danta Villa Soomaaliya ka leedahay qabashada gobolkaas ayay dadka qaar aaminsan yihiin in ay tahay sidii ay uga soo saari lahayd Xildhibaano Farmaajo-doon ah codkoodana ugu shuba doorashada loo madlan yahay.

Heshiiska cusub ee doorashooyinka wuxuu xeerinayaa in laba degaan doorasho ka qabsoomeyso cod-bixinta taasoo la macno ah in loo baahan yahay magaalo kamid ah Gedo maadaama Jubada Dhexe ay haysato Al-Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la hadlayey baarlamaanka Jubaland ayaa si cad u sheegay in aysan gobolkaas ka dhaceyn doorasho inta laga saarayo ciidamadda taabacsan madaxda xukuuamdda waqtiga kasii dhamaanayo.

Doorashada HirShabelle

Maamulkan wuxuu gelayaa doorasho baarlamaan iyo madaxtinimo. Balse kahor inta aan la guda gelin geedi u socodka, waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya madaxda sare kuwaasoo isku haya habraaca loo marayo.

Muddo xileedka hogaankan wuxuu ku eg-yahay October taasoo ka dhigan in ay waajib tahay in xulista Xildhibaanada deg-deg loo bilaabo si ay aakhritaankeeda ama ugu yaraan bisha xigta u doortaan madaxweyne cusub.

Guddiga doorashooyinka wuxuu soo saarey jadwal nidaamkaas ka akdhow. Hase ahaatee, waxaa kasoo horjeestay Madaxweyne Waare kaasoo ku adkeystay in dib-u-heshiisiin loo sameeyo bulshada kahor doorashadda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xusaya in diidmada Waare ay ka dambeysay markii uu helay xogo ku aadan in Villa Soomaaliya ay damacsan tahay in ay bedesho isla markaana ay soo saarto ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe.

Siyaasiyiinta ayaa dhankooda durba ku kala qeybsamay qadiyada HirShabelle. Madaxda waxay wadaan abaabulka kulamo ay taageero ugu goobayaan danahooda gaar ah taasoo baabi'ineysa tan loo dhanyahay.

Marka meel la iska dhigo heshiiska doorashadda, labadan qodob ayaa u muuqda barta ay ka guntami doonto dhaqan-galka go'aanadaas lagu saxiixay 17-kii September Villa Soomaaliya kuwaasoo daadka qaadi kara hadii aan xal la hindisin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 07:42AM