Kadib 41 sano, Duulimaadkii Muqdisho iyo Addis Ababa oo billaabanaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duulimaadkii ugu horeeyay oo isku xirayo Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa 41 sano kadib dib loo billaabayaa todobaadka soo socda.

Diyaaradda National Airways oo laga leeyahay Ethiopia ayaa kusoo dagi doonto maalmo kadib garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde, iyadoo rakaab kasoo qaadeysa Addis Ababa.

National Airways, oo horey loo oran jiray Air Ethiopia, islamarkaana fadhigeedu yahay ayaa todobaadkii saddex duulimaad ka dhex sameyn doonto Muqdisho iyo Addis Ababa, waxaana tallaabadan ay fududeynaysaa isku socodka.

Xuseen Xoosh, oo ah maamulka National Airways xafiiskeeda Muqdisho ayaa sheegay in dib u billaabida duulimaadka tooska ah ay ka dambeysay codsi ganacsato Soomaali ah u gudbiyeen dowladda Ethiopia.

National Airways ayaa dhawaan ka billowday Puntland dulimaadka Addis Ababa iyo magaalada Garoowe, halkaasi oo uu ka jiro dalab aad u sareeya, oo baahi badan loo qabey adeeggan duulimaad.

Shirkaddan National Airways, oo la aas-aasay November 2007 ayaa waxay ka howlgashaa Boosaaso, Garoowe, Muqdisho, Hargeysa, Dubai iyo Salalah, waxaana ay leedahay 11 diyaaradood oo u shaqeeya hadda.

Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadkii Addis Ababa kadib dagaalkii 1977, xilligaasi oo labada dal uu dhexmaray dagaal taariikhda galay, oo ku saabsanaa dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

Hadda dadka doonaya inay u safraan waqooyiga America ama Yurub waxay ku tiirsan yihiin Diyaaradda Turkish Airlines, oo duulimaad toos ah ku tagta Muqdisho todobaadkii labo jeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM