Kadib heshiiska doorashada, maxay tahay in mudnaanta koowaad la siiyo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya, baarlamaanka iyo madaxweynaha soo aadan waxaa lagu soo xulayaa doorasho dadban. Tani waxay ku timid wadahadal, inkasta oo is-qabqabsi uu lumiyey fursadihii coddeyn qof iyo cod.

Madaxweyne Farmaajo oo labinta sheegtay wuxuu cuskaday in uu tanaasulay si faragelin dibada u imaan. Aalaabaa, dhibaatadda Soomaaliya waxaa lagu eedeeyaa shisheeye si loo helo taageero ama loo abuuro jahwareer badan.

Caqabada ugu weyn waa dabacsanaanta amniga. Wallow dowlada iyo maamulada ay Muqdisho uga garameen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, badankooda waxay wajahayaan hal mushkilad oo ah Al-Shabaab.

Wadashaqeynta hay'adaha dowlada waxay u muuqataa qaabka looga hortagi karo weerar kasto oo argagixisada ka yimaada. Al-Shabaab waxay u muuqataa sababta ugu weyn ee loogu dareeri waayey doorasho dadku coddeeyaan.

Doorashada Xildhibaanada waxaa loo muddeeyay December. Si loo dhaqan-geliyo waxay qiyaastii u baahan tahay ugu yaraan 50 milyan oo Doolar, in ay sii socdaan wada-xaajoodyada iyo in uu soo laba-kacleyn safmarka Covid-19.

Walaaca argagixisada waxaa sii kordhinaya wararka sanadihii u dambeeyay jiray kuwaasoo ay ku jiraan; in ay odayaasha dhaqanka ku qasbi karta in ay amaro u yeeriso, awoodeeda dhaqaale oo korortay iyo cabsi gelinta dadka.

Xilli ay talaabooyinkan muujinayeen isbedel xeeladeed, kobaca dhaqaalaha ururka wuxuu ku yimid markii ay ku milantay hay'addaha dowladda taasoo aan meesha ka saari karin in ay murashaxiin ku yeelan karto doorashada xigta.

Hadii la xaqiijiyo jiritaanka wararkaan, waxay ka dhigan tahay in Al-Shabaab aysan ahayn dagaalameyaal caadiya ah ayna ku lug-yeelan karto ergada coddeynta. Ka hortagista, waa shaqada ugu weyn ee hortaala hogaamiyeyaasha.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu kulan ka dhacay Muqdisho ka sheegay in maamulkiisa uu jug culus gaarsiiyey Al-Shabaab. Waa run in ciidanku la diriraan argagixisada, balse Shabaabku dagaalka waxay ku badaleen tab ama xeelad.

Tani waxaa sababta hay'addaha dowladdu ugu baahan yihiin in ay ajendaha wadahadalkooda ku daraan baajinta saameynta Al-Shabaab. In ay coddeynta ka dhaceyso laba magaalo, waxay shaqada ku kordhineysaa ciidanka amniga.

Wallow ay AMISOM balanqaadey taageero iyagoo nugul, taakulo laga helo daneeyeyaasha caalamka sidda dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska waa mid soo dhaweyn mudan maadaama xayiraada hubka ay sahayda ku yareysay Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM