Kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka BF oo maanta furmaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu furmo maanta oo Arbaco ah, sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano.

Munaasabada furitaanka oo ka qabsoomeysa xarunta tababarka ciidamada Booliska ee Jenaraal Kaahiye ayaa waxaa lagu casuumay marti sharaf kala duwan.

Ka qaybgalayaasha ayaa waxaa kamid ah; xubno ka socda baarlamaanada maamulada iyo safiirada Muqdisho u fadhiya caalamka.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dastuuriyan ay tahay in uu furmo kalfadhiga ayaa xaflada ka jeedin doona khudbad.

furitaanka kalfadhiga ayaa waxaa ka maqan aqalka sare kadib markii khilaaf ka dhex jira dartiis ay kala duwanaan doonto maalmaha ay furmayaan labada aqal.

Madaxda Dowlada Federaalka ayaa ku guuldareyaatey dhameynta khilaafkaan.

Amaanka caasimada ayaa la adkeeyay, iyadda oo la xiray qaar kamid ah wadooyinka ku dhow halka ay ka dhaceyso munaasabadda.

Farmaajo ayaa la filayaa in uu hadal-jeedintiisa kusoo qaado xaaladihii ugu dambeeyay dalka, gaar ahaan khilaafka labada Aqal.

Is-qabqabsiga labada Golle oo taagan bilooyin isla markaana salka ku haya arrimo ay kamid tahay ansixinta Miisaaniyada ayaa la sheegay in uu madaxwaynaha ka mashquulay xal loo helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM