Kal-fadhiga lixaad ee barlamanka Federaalka oo maanta furmaya

Image

April 27, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta furo kal-fadhiga lixaad ee Barlamanka Soomaaliya.

Ajandeyaal muhiim ah ayey mudaneyaasha barlamanku kal-fadhigan uga doodi doonaan, waxaana kamid ah kuwo badan oo khuseeya higsiga 2016.

Xeerarka sida gaarka ah diiradda loo saarayo waxaa kamid ah: xeerka doorashooyinka, xeerka axsaabta iyo xeerka la-dagaalanka argagixisada.

Kal-fadhigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka hawl badan kuwii hore, maadaama waqtiga dowladda u dhimani kooban yahay shaqooyin badanna ay harsan yihiin.

Fadhigii kan ka horreeyey waxaa barlamanka hareeyey khilaaf siyaasadeed iyagoo u kala jabey labo garab, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'isal Wasaarihii kalsoonida laga laabtey ee Cabdiweli Sheekh Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM