Keating oo khudbad ka jeedinaya shirka Kismaayo

Image

KISMAAYO - Ergayga gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ee Sooamaaliaya, Micheal Keating ayaa la filayaa inuu Khudbad ka jeediyo shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda oo maanta lagu wado inuu Kismaayo ka furmo.

Keating oo gaarey Kismaayo shalay oo Isniin ahayd ayaa halkaasi kulan gaar ah kula yeeshay Hogaamiyaasha maamulada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, isaga oo kala hadlay arrimo badan.

Keating ayaa sheegay shiray hogaamiyaasha Shanta ah sidii ay wadahadal ugu dambeyn lahayaeen kala duwanaanshaha kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyo in la xaliyo tabashooyinka ay madaxda qaar sheeganayaan.

Khudbada la filayo inuu Danjire Keating ka jeedin maanta furitaanka Shirka Madasha Iskaashiga maamulada dalka ayaa la rajaynayaa inay noqoto tii ugu horeysay iyo midii ugu dambeysay, maadaama uu mudada xileedkiisu yahay gabaabsi.

Wakiilka Qaramadda Midoobay ufadhiya dalka Soomaaliya ayaa waxaa xil hayntiisa ay ku eg-tahay dabayaaqadda sanadkaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in lagu bedalayo Diblumaasi sarre oo udhashay wadanka Ingiriiska.

Keating ayaa loo magacaabay Wakiilka gaarka ah ee QM ufadhinaya Soomaaliya November 23, 2015, waxaana uu xafiiska uu la wareegay oo uu kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde Janaayo 18, 2016, isaga oo bedalay Nicholas Key.

Shirka Kismaayo ayaa waxaa lagu gorfeyn doonan heshiisyo ay horey uwada galeen dowlada Federaalka iyo maamulada xubinta ka ah, doorashooyinka dalka kusoo food leh, heer Federaalk iyo mid gobol, iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM