Keating oo golaha amaanka u sheegey in hanaankii doorashada Somalia la afduubey

Image

MUQDISHU, Somalia-  Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa golaha Ammaanka Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa uga waramay xaaladda Somalia iyo arrimihii ugu dambeeyay ee doorashada la filayo inay dhacdo 2016.

Keating, ayaa sheegay in doorashada waqtigii loo asteeyay dib u dhac kale Ku yimid isagoo walaac ka muujiyay siyaasiyiin uu xusay inay afduubayaan hannaanka doorashada.

“Dib u dhacii ugu dambeeyay waxaa uu keenay dhowr arrin oo cabsi leh, hadii aan magacaabo mid kamid ah; tan koowaad waa in hanaanka doorashada siyaasad lagu afduubo, tan kale dib u dhacan waxuu qeyb ka yahay dib u dhacyo horay u dhacay iyo kuwa wadada ku soo jira," Ayuu wakiilku.

Wuxuu sheegay inay aad u sarayso suurta galnimada ku aadan in la marin habaabiyo qorshayaashii lagu hishiiyay, "Suurta galnimada in hanaanka doorashada la afduubo waa mid aad u sareysa,”Ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Keating.

Danjiraha, ayaa cadeeyay inay jirto walaac ku  aadan waqti kordhintan cusub isagoo madasha ka sheegay in lagu tuntay sharcigii waddanka u yaallay gaar ahaan waqti joogista xafiiska ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Michael oo sii hadlayay ayaa ku nuux nuuxsada in laga cabsi qabo fowdo siyaasadeed oo ay keento mudada hadda lagu daray doorashada iyo mid kale oo saadaaliyay.

Wuxuu ka codsaday golaha ammaanka in laga shaqeeyo sidii Somalia uga dhici lahayd doorasho xor ah oo cadaalad Ku salaysan.

Diyaargarowgii socday ayuu tilmaamay in la  dhammaystiray islamarkaana dhawaan la  bilaabi doono diinwaangalinta Ergooyin gaaraya 14 kun iyo murashaxiinta u taagan labada Aqal ee Barlamanka Somalia.

Jadwalkii u dambeeyay ee Doorashada ayaa Guddigu sheegeen in Madaxweynaha la dooran doono 30-ka bisha November,  halka doorashada Guddoonka labada aqal qabsoomi doonaan 23 November.

GAROWEONLINR

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM