Kenya: 52 Al shabaab katirsan ayaan ku dilnay Badhaadhe

Image

BADHAADHE, Somalia- Wasaaradda difaaca dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada dalkaasi ay dileen 52 xubnood oo katirsan Kooxda Al shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen deegaan ku yaalla duleedka Badhaadhe.

Col. Joseph Owuoth, oo ah Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ka dhacay xarun lagu tababaro dagaalyahannada Al shabaab, oo 9KM dhanka waqooyi uga beegan Badhaadhe.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ciidamadoodu saldhigaas ku garaaceen Hoobiyaal iyo hubka Artilleriga loo yaqaano, islamarkaana ay dileen 52 dagaalyahan, qaar kalena ay dhaawacyo gaarsiiyeen.

Weerarka oo dhacay maalintii shalay, abaare  1:00 a.m., ayaa lagu soo waramayaa in sidoo kale uu khasaaro gaarsiiyay dad shacabka ah iyo xoolo badan, sida ay Saraakiisha Militariga Somalia ee gobolka Jubbada hoose u sheegeen GO.

Mid kamid ah Dadka deegaanka ayaa xusay in madaafiicda laga soo tuurey saldhiga ciidamada KDF ee ku yaalla duleedka deegaanka Lagta Dishu, kuna dhaw xadka dalka Kenya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Diyaaradaha Helicopters-ka Kenya ka qeyn qaateen howlgalka lagu duqeeyay saldhiga Al shabaab ku leeyihiin nawaaxiga degmada Badhaadhe.

Kenya waxay tilmaantay inay hub  iyo rasaas badan uga qabsatay Al shabaab weerarka.

Badhaadhe waxay 200KM Koonfur galbeed uga beegan tahay magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana ku xooggan ururkan dagaalka kula jira dowladda iyo maamullada ka jira Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM