Kenya: Al-shabaab oo muddo kooban qabsatey tuulooyin

Image

June 2, 2015 (GO)- Kooxo ka tirsan Al-shabaab ayaa muddo kooban la wareegey gacan ku haynta tuulooyin hoos taga degmada  Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Warkan waxaa xaqiijiyey Bilow Keerow oo ah mudane ka tirsan aqalka sare ee baarlammaanka Kenya, kaasoo laga soo doorto degmada Mandheera.

Keerow oo u waramay idaacadda BBC ayaa u sheegay in mileeshiyaadka Al-shabaab tageen tuuloon ay kamid yihiin Gaari iyo Finnow, halkaasoo ay dadka ugu khudbadeeyeen kaddibna ay isaga baxeen.

" cabsida ugu weyn ee aan qabnaa waa inay jidka galaan oo ay dhibaato iyo qaraxyo la beegsadaan dadka jidadka muhiimka ah maraya...dowaldda Kenya waan kala hadlay inay arrintan sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabato" ayuu yiri.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa  labo todobaad kadib markii dagaalyahanno Al-shabaab ka tisani sidan oo kale muddo kooban ula wareegeen tuulada Yuumbis, halkaasoo masjid ku yaalla ay muddo labo saac ku dhow dadka ugu khudbeeyeen.

May 26, 2015  Al-shabaab ayaa jidka u gashay ciidamo boolis ah oo kusoo jeedeeyey tuulada Yuumbis, weerarkaasoo sida la sheegay ciidamo badan oo Kenyan ah lagu diley, inkastoo dowladda Kenya beenisey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM