Ciidamada Kenya oo gudaha u galay qaar kamida Xawaaladaha Soomaalida

Image

NAIROBI, Kenya - Ciidamada Dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay gudaha ugu galeyn 5 kamid ah Xawaaladaha Soomaalida leeyihiin ee ka howlgala gudaha wadankaasi.

Sidda ay sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, Xawaaladaha la beegsaay ayaa waxaa kamida TAAJ iyo AMAL, oo ay bulshada Soomaalida aad u xiran tahay.

Ciidanka ayaa baaritaan ka sameeyay gudaha shirkadahaasi, kuwaasi oo howlahooda si caadi ah ugu bilowday kadib markii saacado ay hakad ku jireen shaqooyinkooda.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili habeenimadii Isniinta garoonka diyaaradaha Nairobi loo diiday Wasiiro iyo Xildhibaano Soomaaliyeed in ay ka gudbaan madaarka.

Madaxda oo wadatay Baasaboorka Diblumaasiga ayaa lagu gacan-seyray in loogu dhufto dal ku galka xili sababta loogu sheegay in loo wareejiyo safaarada Kenya ee Muqdisho.

Dhowr illo wareed oo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa laga soo xigtay in arrinta isbedelka aanan lagu soo war-gelin Hay'adda Socdaalka iyo Wasaarada Duulista Hawadda.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Kenya ay joojisay guud ahaan duulimadka tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadda oo qiil ka dhigatay arrimo la xiriira amaanka.

Arrimahaan soo kordhay oo daaran xiriirka soo xumaanaya ee labada dal ayaa salka ku haysa dacwada muranka badda ee go'aankeeda laga dhowrayo Maxkamada Cadaalada Aduunka.

Dowlada Federaalka oo aan wali ka jawaabin talaabooyinka is-dabajooga ah ee Kenya ayaa horey u shaacisay in aysan ka laaban doonin dacwada ay ICJ u gudbisay, ayna iyadda ka dhowr-sugeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM