Kenya oo beenisey in 20 askari laga diley

Image

May 26, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa beenisey in 20 askari  lagu diley weerar Al-shabaab la beegsatey kolonyo ka tirsan ciidamada booliska Kenya oo marayey meel u dhow tuulada Yuumbis.

Taliyaha booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa meesha ka saarey wararka sheegaya in 20 askari lagu diley weerarkaas, wuxuuna sheegay in hal askari oo qura la diley shan kalena ay dhaawacmeen.

Joseph Boinnet ayaa sidoo kale beeniyey in la la'yahay qaar kamid ah askarta weerarku qabsadey isagoo xusey in dhammaan askartu bed qabaan balse labo kamid ah shanta dhaawaca ah xaaladoodu culus tahay.

Ciidamada la weeraray  ayaa kusii jeedey tuulada Yuumbis, halkaasoo dhowr maalmood kahor dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsani muddo kooban la wareegeen dadkana ugu khudbeeyeen. 

Weerar bishii April ee lasoo dhaafay lala beegsaday jaamacadda degmada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagu diley 148 qof oo u badnaa ardey. 

Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo ku gooddiyey inuu sii wadi doono weerarrada inta ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM kasoo baxayaan Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM