Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo
NAIROBI – Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo sidoo kale hore u soo noqday ku-simaha Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii looga diiday inuu dalka galo sababo la xiriira walaacyo amni iyo eedeymo ku saabsan inuu haystay baasaboor Kenyan ah oo la sheegay inuu si sharci darro ah ku helay, sida lagu sheegay warbixinno booliis iyo ilo amni.
Wararka ayaa sheegaya in Jibriil uu Arbacadii, June 25 kasoo degay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) isagoo wata baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya iyo fiisaha gelitaanka Kenya. Hase yeeshee, saraakiisha socdaalka ayaa hakiyay, kadib xog sirdoon oo lagu sheegay inay la xiriirisay baasaboor Kenyan ah oo lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah ku helay.
Sida ku cad warbixin booliis oo laga diiwaangeliyay saldhigga JKIA, Jibriil ayaa la sheegay inuu qirtay inuu haysto baasaboorka Kenya, balse uu diiday inuu ku wareejiyo saraakiisha socdaalka, isagoo sheegay inuu kaliya maxkamad horteeda kusoo bandhigi doono.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in habeenkii lagu hayay qeybta martida gaarka ah ee Terminal 2, kahor inta aan subaxnimadii Khamiista lagu celin diyaarad ay leedahay shirkadda Daallo Airlines oo ku wajahneyd Muqdisho.
Dhanka kale, ilo amni oo Kenyan ah ayaa ku eedeeyay Jibriil inuu ku lug lahaa qorshayaal lagu hubeynayay maleeshiyaad beeleed ka howlgala deegaanno ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya. Ilo wareedyadu waxay sheegeen inuu dhawaan hub loo qaaday mid ka mid ah degmooyinka xuduudda, islamarkaana safarkiisa Nayroobi uu qeyb ka ahaa qorshe lagu gaarsiinayay hubkaasi maleeshiyaad beeleed, arrin ay hay'adaha ammaanka Kenya ku tilmaameen khatar ku ah amniga dalka.
Sidoo kale, ilo amni ayaa ku xiray Jibriil rabshadihii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo barakaca boqolaal qoys. Eedeymahaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in siyaasiyiin Kenyan ah ay isku dayeen inay kala hadlaan saraakiisha ammaanka sidii loogu oggolaan lahaa inuu dalka galo, balse dadaalladaasi ay fashilmeen kadib markii hay'adaha socdaalka iyo la-dagaallanka argagixisadu ay ku adkeysteen go'aankooda.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya midkoodna kama uusan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan masaafurinta Jibriil Cabdirashiid Xaaji ama eedeymaha loo jeediyay.
GAROWE ONLINE