Kenya oo digniin horleh soo saartay xili ay Carabta la safatay Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxay ka jawaabtay war-murtiyeedkii uu ururka Jamaacadda Carabta ku garab istaagey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Bayaanka oo lagu xusay in dhul badeedka ay sheeganeyso Kenya ay yihiin kuwa been abuur ah ayaa xukuumada Nairobi loogu digay in ay joojiso farogelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Afhayeenka dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta ayaa ku sifeeyay warbixinta kasoo baxay ururkaasi oo ay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya faafisay "waxba kama jiraan", sida ay baahisay saxaafada maxaliga ah.

Cyrus Oguna ayaa waxa uu ku tartarsiiyey dadka Kenya in ay ka digtoonaadan wararkaasi uu ugu yeeray "kuwa aanan waxbo ka jirin".

Xukuumada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay in ay adeegsaneyso ururo siyaasadeed si ay "xaqiiqada jirta u laasho".

"Dadweynaha haka digtoonaadan wararkaan lasoo diyaariyey ee aysan iyaga xitaa u qalmin," ayuu u sheegay Daily Nation.

Isaga oo sii hadlaya ayuu ku booriyey saxaafada dalkiisa in aysan baahin "wararka aanan ka imaan ilaha aan saxda aheyn".

"Sababtaasi darteeda waxaanu dooneynaa in aan ka korno maalmaha soo aadan been-abuurashada noocaan ah," ayuu daba dhigay.

Hadaladdan culus ee kasoo yeeray afhayeenka dowlada Kenya ayaa imaanaya iyadda oo ay dowladda Soomaaliya warbaahinta madaxa banaan ka codsatay in aysan “dhexdhexaad ka noqon qadiyada badda".

Kala taag-taaga labada dowladood ee deriska ah oo sii xumaanaya ayaa kusoo aadaya iyadda oo maalinta lagu dhawaaqayo xukunka Maxkamada Cadaalada Aduunka ay bilooyin ka harsan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM