Kenya oo gubtay alaab ku fadhisay 55-kun oo dollar kana timid Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Odayaasha dhaqanka ee ku nool magaaladda Mandera ayaa waxay si adag dhaleeceeyeen xayiraado ay dowladda Kenya kusoo rogtay badeecadaha ganacsiga ee ka yimaada gudaha Soomaaliya.

Wax-garadka oo tibaaxay in askata Kenya ay is hor-istaageen gaadiid xamuul ah oo siday raashiin oo ka yimid Soomaaliya tan iyo dhakhaatiirtii la afduubtay ayaa tilmaamay in ay sare u qaaday qiimaha cunada ee Mandhera.

Indheer-garadkani ayaa intaasi raaciyey in ciidamada Kenya ay la waregeeen ayna dab-qabad siiyeen alaabtaasi oo laga soo gudbiyey sohdinta uu wadankaasi la wadaago Soomaaliya oo ay deris yihiin.

Cuqaasha ayaa daboolka ka qaadey in badeecadaha ay Kenya gubtay tan iyo bilowgii bisha barakeysan ee Ramadan ay wadar ahaan ku fadhiyaan aduun lacageed gaareyso 55-kun oo dollar-ka Mareykanka.

Goobaha dheg-xaanta laga soo saaro ee ku yaalla magaaladda Mandera ayay sidoo kale shaaciyeen in howlahoodii la joojiyey taasoo ay cod dheer ku qeexeen in ay dhaawacday fursadaha shaqo ee la heli jiray.

Talaabooyinkan ay qaadeyso Kenya ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo ay jirto xiisad diblumaasiyadeed oo Muqdisho iyo Nairobi u dhaxeyso oo ku aadan ku muran dhanka xuduud badeedka ah.

Bishii hore ayay Kenya ku dhawaaqday hakinta duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi. Intaasi waxaa wehlisay in ay soo musaafurisay mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo ay u diiday dal ku galka wadankeeda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya illaa iyo haatan ma aysan qaadin wax talaabo ah oo ku wajahan falalka isa soo taraya ee ay Kenya ku cadaadineyso, xili laga digay go’aanno kale.

Kenya ayaa waxay waqti xaadirkan ku eedeysan xadgudub ay ku sameysay xuduudaha bariga iyo badda ee Soomaaliya, waxaana shacabka uu dhowrayaa go'aanka ay qaadataan madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya: Maxaa laga filan karaa Shirka 10-ka May?

Dhinaca kale, xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo ra’iisul wasaarayaal hore.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 08:23AM