Kenya oo hakisay duulimaadka tooska ee Muqdisho iyo Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa dib u soo celisay baaritaanka khasabka ah ee dhamaan duulimaadyada ka baxaya magaala madaxda Soomaaliya ku marayaan garoonka diyaaraaha Wajir si loo hubiyo.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda Duulista Hawada Kenya ayaa lagu yiri: "Dhamaan duulimaadyada ka yimaada Muqdisho, Soomaaliya waa waajib in ay soo maraan Wajir si loo baaro kahor in aysan tegin goobta ka dambeysta.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday ka qaaday in amarkaan uu sii shaqeynayo illaa iyo 9-ka bisha Agoosto 2019, illaa iyo cusbooneysiin kale.

Talaabadaan ayaa imaaneysa xili ay isa soo tarayaan shirkadaha diyaaradaha ee isaga kala goosha labada magaalo, kuwaasi oo ku tilmaamay hubinta Wajir mid aan daruuri ahayn.

Ku hakashada Wajir oo uu hindisay madaxweyne Mwai Kibaki sanadkii 2006-dii ayaa waxaa hirgeliyey ciidanka Booliska iyo cirka ee wadanka Kenya.

Inta ay ku sugan yihiin halkaasi, dhamaan rakaabka ayaa laga soo dejiyaan diyaarada, si xafiiska socdaalka uu u hubiyo wax walba oo ay wataan.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa bishii Maaj 2017 ku heshiiyey in dib loo bilaabo duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo meesha ka saartay muddo toban sano ah oo lagu hakanayey Wajir.

Go’aanka cusub ayaa u muuqda mid laalaya is-afgaradkaasi oo kamid ahaa kuwii ugu waawaynaa oo ay gashay xukuumada Farmaajo oo cilaaqaadka kala dhaxeeya Nairobi uu yahay mid daciif ah.

Waqti xaadirkaan, garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde waxa duulimaadka ka baxa si toos ah ay ugu tagaan todoba magaalo oo ay ku jirto Istanbul, xarunta Turkiga.

Sidda ku cad warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Nation, tan iyo markii dib loo bilaabay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, garoonka Wajir waxa uu khasaaray 19-kun oo dollar-ka Mareykanka.

Talaabada ay Kenya ku hakisay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa kusoo beegmaya xili hogaamiyeyaasha labada dowladood ay si wayn ugu kala aragti duwan yihiin doorashada madaxtinimada Jubbaland oo deris la ah.

Uhuru Kenyatta ayaa doonaya in mar kale uu xafiiska kusoo laabto Axmed Madoobe, halka Maxamed Farmaajo uu xusul-duub ugu jiro in uu daaqada ka saaro madaxweynynaha xafiiska jooga tan iyo 2013-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM