Kenya oo lagu eedeeyey inay duqeyn ku dishey askar ka tirsan DF

Image

July 14, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ee ka hawlgala gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in ku dhowaad konton qof ku geeriyoodeen duqeymo labadii maalmood ee u dambeeyey diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka geysteen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Col. Aadan Axmed Xirsi oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dadka duqeymaha ku dhintey ay kmid yihiin ciidamo ka tirsanaa kuwa dowladda oo lagu duqeeyey saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

"Khasaaro aan la soo koobi karin ayey ciidanka Kenya gaarsiiyeen Shacabkeena, xitaa waxay dileen askar ka tirsanaa  militariga Dowladda Federaalka markii ay sal-dhiggooda gantaallo ku dhufteen...ma jirto Kenya cid kula xiisaabtanta xadgudubyada ay kawado dalka,” ayuu yiri.

Marka laga yimaado hadalka sarlkaalkan, ma jiraan ilaa iyo hadda wararar madax bannaan oo arrintan xaqiijinaya, Dowladda Federaalkuna jawaab kama bixin.

Duqeymaha ayaa badankoodu ka dhacay dhulka miyiga ah ee u dhexeeya tuulooyink Dhamas iyo Ceel-Waaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM