Kenya oo sababeysay mas'uuliyiinta Soomaaliya ee ku xayirtay Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay mas'uuliyiin isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada Soomaaliya oo laga soo celiyay garoonka Nairobi, Isniintii.

Monica Juma oo qaybo kamid ah war-fidiyeenka dalkaasi qaarada Afrika dhaca kula hadashay xarunta wasaarada xiriirka caalamiga, ayaa sheegtay in sababta ay la xiriirto in madaxdaasi aysan wadan dal ku galka Kenya [Fiisaha].

"Dhamaanteena waxaan safarnaa inaga oo wadana dal ku gal. Sidaasi awgeed, aad ayay u adag tahay in aad Fiiso la’aan gasho dal kale," ayay ku fal-celisay markii Juma arrintaan wax laga waydiiyay.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo dowlada Soomaaliya ka tirsan, Kenya ma aysan kusoo war-gelin xukuumada Muqdisho in isbedel lagu sameeyay Fiisaha laga qaadan jiray garoonka diyaaradaha.

"Ma hayo fahfaahinta kiiskaan. Balse aad ayaan ula yaabay in qof uu socdo fiiso la’aan," ayay hadalkeeda raacisay wasiiradda.

Wasiirada iyo Xildhibaanada laga soo celiyay madaarka xarunta Kenya ayaa barqinimadii Talaada dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in xubnaha loo diiday in ay galaan Nairobi loo sheegay in ay ahayd in dal ku galka ay kasoo qaataan safaarada Kenya ee Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in wasiiro kale iyo mas'uuliyiin dowladeed oo markii Baasaboorka Soomaaliya laga diiday ay uga gudbeen garoonka kuwa shisheeye.

Dhanka kale, ciidamada Kenya ayaa Barqanimadii Talaada waxay howlgal baaris ah ku beegsadeen qaar kamida Xawaaladaha Soomaalida ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi, kuwaasi oo saacado hakad la geliyay shaqadooda.

Hogaanka Soomaaliya illaa iyo haatan wax jawaab ah kama uusan bixin talaabooyinka is-dabajoog ah oo ay Kenya cadaadiska diblumaasiyasadeed ku saareyso dowlada federaalka Soomaaliya.

Arrimahaan oo dhan ayaa imaanaya xili xiriirka labada dal uu sii xumaanayo, isla markaana Kenya ay ku eedeysan yahay damac uga jira biyaha Soomaaliya ayna dooneyso in laga laabto dacwada hortaala ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM