Kenya oo shaacisay mowqifkeeda safiirka ay eriday Soomaaliya
NAIROBI, Kenya – Go'aanka ay dowladda Soomaaliya kusoo riday danjire Lucas Tumbo, waa "mid aan marmarsiyo loo sameyn karin," sidda ay sheegtay Kenya oo jawaab horudhac ah ka bixisay talaabada xukuumadda Muqdisho.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau, ayaa tibaaxay in xukuumadda Nairobi ay bixin doonto "jawaab adag".
"Tani waa hab-dhaqan aan ka fileyn Soomaaliya oo aan marmarsiyo loogu sameyn karin hogaamiyeyaasha Soomaaliya waana wax u baahan faham kahor inta aan laga hadlin. Waxaan jawaabteena sidda ugu dhaqsiyaha badan ugu bixin doonaa meelaha ku haboon," ayuu Macharia u sheegay saxaafada gudaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa habeenimadii Axada u yeertay safiirka ka jooga Kenya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, iyaddoo fartey Lucas Tumbo, danjiraha xukuumada Nairobi ka jooga Muqdisho "in uu latashi ugu laabto dalkiisa".
Maxamed Cali-nuur Xaaji, xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Tv-ga Qaranka ka akhriyey bayaan, ayaa sheegay in Nairobi ay "cadeystaay faragelin qaawan oo ay ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya".
"Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqatay in dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelineyso uruumaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyaddoo cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aadan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadda ay ku gaareen Muqdisho 17-kii September, 2020," ayuu yiri Maxamed.
War-saxaafadeedka oo luuqad adag ku qornaa ayaa lagu sheegay in dhaqamada Kenya ay yihiin "kuwa ka baxsan curfiga diblumaasiyadeed ee dalal ay ka dhaxeyso dano iyo darisnimo waa dhaqan ka baxsan Axdiyada iyo Heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamiga ah".
Sidda laga soo xigtay qoraalkan, xukuumadda Muqdisho ayaan "marnaba aqbali doonin in lasoo farageliyo ama lagu dhaqaaqo fal kasta oo wax u dhimaya madax-banaanida iyo deganaanshiyaha dalkeena".
Muqdisho iyo Nairobi ayaan xiriirkooda hagaagsaneyn sanadihii ugu dambeeyay. Dacwadda badda, ku gacan-sareynta Jubaland iyo xayiraadda maandooriyaha Qaadka waa qodobada xudunta u ah is-mari-waaga labadda dhinac.
Dhanka kale, maamulka Axmed Madoobe ayaan wali ka jawaabin eedeynta kaga timid dowladda federaalka ee ku aadan in ay cadaadis kala kulmayaan Nairobi "si ay u carqaladeeyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka".
Bishii Febraayo, sanadkii 2019, Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda Muqdisho waxaana ay soo ceyrisay danjiraha Soomaaliya. Talaabadaas waxay timid markii dowladda Soomaaliya ay bilowdey iib-geynta saliida "aaga la isku hayo".
GAROWE ONLINE