Kenya oo u yeertay Safiirkeedii Somalia

Image

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa u yeertay safiirkeeda u jooga Soomaaliya, Lucas Tumbo kadib markii ay soo baxeen in xermooyin shidaal iyo Gaas laga helay goob ay ku muran-san yihiin labada dal lagu xaraashayo Ingiriiska.

Sida ku cad war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada xukuumada Nairobi, go’aankaan ayaa wuxuu salka ku hayaa shirkii dhowaan ka qabsoomay magaalada London ee looga hadlay shidaalka Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay in DFS "si aan taxadar lahayn isaga indha tirtay xeerka caalamiga ah ee ogolaanaya sohdin badeedka iyo muranda dhinaca diblumaasiyada".

War-saxaafadeedka wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in looga danjiraha Soomaaliya u jooga halkaasi, Maxamed Axmed Nuur Tarsan looga baahan in uu wadankaasi uga soo baxo “sida ugu dhaqsiyaha badan".

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ku saabsan go’aanka xukuumada Nairobi oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM