Kenyaan xaalad adag ay ku qabsatay Soomaaliya oo la badbaadiyey

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu waramay in ay badbaadiyeen muwaadiniin u dhashay waddankaas kuwaasoo ku xayirmay Kismaayo, magaala madaxda ku meelgaarka Jubaland.

Shaqsiyaadkan tiradoodu gaareyso lix kuwaasoo shan kamid ah ay Kenyaan yihiin ayaa u shaqeyayey markab lagu magacaabo Al-Anamar Ship. Mulkiilihii ayay xuseen in uu ka qaatay dukumiintiyadii ay ku safri lahaayeen.

Leonard Omollo, 51-jir in ka badan 20-sano ka shaqeynayey badda kana mid ah howlwadeenadaan, ayaa tilmaamay in mulkiilaha uu u sheegay in uu tagayo Muqdisho isla markaana uu dib ugu soo laaban doono deg-deg.

Sidda laga soo xigtay majaladda The Standard, mulkiilaha oo magaciisa aan lasoo bandhigin ayaan dib ugu soo laaban, waxaana arrintaas ay sababtay in ay wajahaan xaalad adag oo dhanka nolosha iyo raashinka ah.

Omollo oo tibaaxay in aysan wali helin lacag ka badan afar kun oo Doolar taasoo ay mulkiilaha kula soo heshiiyeen ayaa wariyey in ciidanka badda Kenya ee ku sugan Kismaayo kana mid ah AMISOM ay ku tiirsanaayeen.

Markabkooda Al-Anamar oo June kasoo baxay Mombasa ayaa Khaad u siday Jabuuti, balse waxaa kolkii dambe lagu amray in ay u weecdaan dekada Ceel Macaan ee ku dhow Muqdisho, taasoo jahwareer ku noqotay.

Shaqalaaha kale ayaa lagu kala magacaabaa; Benedict Lumati [Injineer], Salim Rashid [waardiye] George Odhiambo Adongo [bad-maaixye sare] Ali Manyiro Banzi [khabiir dhanka shidaalka], dhamaan waa Kenyan marka laga reebo Mr Rajab Ali Rajab [bad-maaxiye sarre], oo Tanzaaniyaan ah.

Intii wareysigu socdey, Leonard Omollo ayaa wariyey in ay Muqdisho uga soo tageen cabsi dhanka ammaanka ah kadib weerarkii is-miidaaminta Elite Hotel kaasoo dad badan ay ku naf-waayeen.

"Markii uu weerarkaas dhacayey waxaan ku sugneyd nawaaxiga xeebta caanka ah ee Liido," ayuu daray, isagoo u muuqda mid tilmaamaya in ay Kismaayo u arkeen meel ay kaga badbaadi karaan weerarada kooxaha argagixisada.

Tagitaankooda Kismaayo ayaa u sahashay in codkooda ay maqasho dowladooda, arrintaas oo ugu dambeyntii dhabaha u xaartey in ay badbaadaan iyagoo haatan rajeynaya in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ula midoobaan qoysaskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM