KG oo fahfaahisay go'aanka ay ka qaadatey Khilaafka Khaliijka

Image

BAYDHABO, Somaaliya - Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Somaaliya, xilligan ah Ku-simaha Madaxweynaha maamulkaasi, ayaa ka hadlay go'aankii ay ku taageereen Sacuudiga iyo Xulufadiisa.

Wasiirka ayaa sababta ay xiriirka ugu jareen Qadar ku tilmaamey in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ay yihiin saaxiibo iyo walaallo soo jireen ah, oo xiriir Taariikhi la leh Somaaliya, iyagoo wax badana u qabtey mudadii Colaadaha ay ka jireen dalka.

Wuxuu xusay in shacab badan oo reer Koonfur Galbeed ah ay ku nool yihiin, sidoo kalena ku Ganacsada Sacuudiga iyo Imaaraadka, sidaa darteedna ay qaateen go'aanka iyagoo ilaalinaya danaha dadkaasi.

"Annagoo eegayna Danaha Shacabka Reer Koonfur Galbeed ee ku nool Sacuudiga iyo imaaraadka, ayaa qaadaanay go'aan aan ku taageerayno dalalkaasi, iyadoo aan xiriirkii u jarnay Qadar," ayuu yiri Xasan.

Xasan Xuseen ayaa ku tilmaamay Go'aankii dhex-dhexaadnimo, ee dowladda Federaalka, ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka Carabta, mid shaqsiyaad gaar ah wateen, oo aan ka tarjumaynin Danta Koonfur Galbeed.

"Dowladda Federaalka anaga waan ixtiraam sanahay, balse dalka Federaalka ayuu noqday, oo maamul kasta mas'uul ka yahay shacabkiisa, marka annaga waxaan raacnay danta shacabkeena," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu tilmaamay in go'aankii dowladda dhexe ee Khilaafka Khaliijka uu ahaa mid aan wadatashi laga sameynin, oo aan laga qeyb-gelin maamullada dalka.

Go'aanka ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku sugan yahay Imaaraadka, isagoo maal-gelin u raadinaya Dekedda magaalada Baraawe, oo ah xarunta Caasimadda maamulkiisa.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad, oo xiriika u jaraya Qadar, islamarkaana la safanaya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo bishii August Puntland qaadatey go'aankan oo kale, oo xiriika ugu jareen Qadar.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM