KG oo ka hadashay hadii dib loo dhigayo doorashadda

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xassan Cabdi Maxamed ayaa meesha ka saarey suurtagalnimadda in dib loo dhigo doorashada Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkan.

Ugaas Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in Guddiga doorashooyinka xubnaha iska tanaasulay oo tiradoodu ay gaareyso 15 ruux dhowaan lasoo magacaabi doono, islamarkaana shaqada halkeeda kasii soconeyso.

Afhayeenka Gollaha Wakiilada, ahna sii hayaha xilka Madaxwaynaha, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayuu wasiirku xusay inay ka go’an tahay in doorashadda ay ku qabsoonto si cadaalad ah oo sharciga waafaqsan.

“Shacabka Koonfur Galbeed, waxaan usheegayaa inay ka walwal la’aadaan dib udhac ku yimaada doorashadda. Xubnaha Guddiga ka harsan waan lasoo magacaabi doonaa dhowaan,” ayuu yiri Wasiir.

Wararka uu halkaasi ka helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in kulamo ay yeesheen habeenkii xalay ahaa Murashaxiinta aan taageerada ka haysan Villa Somalia iyo Gudoomiye Maye, kuwaasi oo arrimahaan isla soo qaaday.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in kulamadda oo ka qabsoomay Madaxtooyadda laysla soo qaaday in murashaxiinta wada tashi lagala yeesho soo magacaabida xubnaha Guddiga doorashadda ee harsan.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa loo madalsan yahay inay qabsoonyo 17-ka bishaan oo ay ka harsan tahay Lix casho, xili caasimad goboleedka Bay ee Baydhabo laga dareemayo diyaar-garowgii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM