KG oo shaacisay kaalinta DFS ee doorashada madaxwaynaha [Dhageyso]

Image

BAYDHABO - Wasiirka Dasuurka ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ugu horeyn gaashaanka ku dhuftay war dhowaan kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka.

War-saxaafadeed ay soo saartey Wasaaradda oo looga hadley arrimo kala duwan ayaa waxaa kamid ah inay ubalanqaadey maamulada kaalmo dhinac kasta ah oo doorashooyinka degaanada maamuladda kusoo food leh.

Koonfur Galbeed oo kamid ah maamuladda ay degaanadooda ka dhaceyso dhowaan doorashooyinka Madaxwaynaha ayaa waxaa kaliya ka harsan Labo bilood, maadaama bisha November ay qabsoomeyso.

Wasiir Xasan ayaa tilmaamay in dastuurka dalka uu dhigayo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ama dowladda aysan shaqo ku lahayn doorashooyinka Madaxtooyadda ee dowlad goboleedyadda.

Sidaas darteeda ayuu tibaaxey Wasiirka in aysan qorshaha ugu jirin inay dowladda kasoo muuqato goobta ay ka dhaceyso doorashadda maamulkiisa, taasoo la rumeysan yahay inay ka xamaasad badan tahay kuwii hore.

Doorashooyinka Gollayaasha degaanadda ayuu tibaaxey Wasiirka inuu Dastuurka dhigayo inay Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka kala shaqayn karto maamul goboleedyadda dalka ka jira.

"Wasiirka waxaan umalaynayaa inuu isku khal-dayo doorashooyinka Gollayaasha degaanka iyo tan kale. Dastuurkeena oo mar walba waafaqsan midka Federaalka wuxuu sheegayaa in Wasiir Federaalka ka socda ama maamul kale uusan boos uga banaaneen sida aan isku dooraneyno," ayuu hadalkiisa udhigey Wasiir Xasan.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Dastuurka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili uu jiro khilaaf siyaasadeed oo udhaxeeya Madaxda dowladda iyo qaar kamid ah maamuladda, kuwaasoo xiriirka ujaraya Villa Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay wadato murashax gaar ah, taasoo ay dooneyso inuu kusoo baxo doorashadda Koonfur Galbeed xili dhowaan Afhayeenka Gollaha Shacabka uu la kulmay murashixiin uu ku jiro Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM