Khadiijo Diiriye oo iska difaacay eedaha guriga agoonta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka xukuumadda federaalka, Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka ku xeeran guriga ay agoonta leeyihiin ee ay degan tahay.

Mrs Diiriye oo u warantay telefishinka maxaliga ah ee Somali Cable ayaa ku nuux-nuuxsatay in ay "bixiso" kirada guriga ayna marsiiso "wadada saxda ahayd".

Mulkiilaha guriga, Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo ahaa taliyihii ugu horeeyay ee Booliska Soomaaliyeed, ayay carabka ku dhufatay in ay iyadda u wakiishay in ay kirada siiso qoys kamid ah labada reer ee marxuumka uu ka geeriyoodey.

Xilli aysan si toos ah carabka ugu dhufan, Khadiija ayaa ka shanqarisay in uu jiro is-qabqabsi la xiriira kirada iyo qeybsiga dhaxalka oo u dhaxeeya laba qoys.

"Anigu dhaxal ma qeybiyo. Illaa ay ka heshiinayaan aniga sidii aan kula balamay [Jeneraal Abshir] iyo wadadii uu u yiri lacagta isoo mari ayaan marinayaa," ayay xustey. "Marka la ii yimaado ayaan soo saarayaa waraaqaha [caddeynta]".

Bishii October ee sanadkii hore 2020 ayay ahayd markii qoyska marxuumka oo uu u hadlay wiil uu dhalay laguna magacaabo Cismaan iyo wakiilkooda ayaa saxaafada u sheegay "in Khadiija ay afar sano xoog kaga haysato gurigooda".

Xilli ka dhawaajiyeen in mudadaas aysan bixin kirada una qaylo-dhaamiyeen madaxda dowladda federaalka, qoyska ayaa dalbadey in gurigooda looga saaro Khadiija.

Gurigaan la isku haysto ayaa dadkii lahaa ku kala nool yihiin magaalada Garowe iyo dibadda, waxaana uu ku yaala nawaaxiga taliska booliska ee Muqdisho.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, Khadiija oo guriga bishii ku degan sideed boqol oo Doolar isla markaana si sanad ah u bixisa ayaa kireysatay sanadkii 2013 illaa 2014-kii, waxaana ay waqtigaas ahayd Wasiirka Haweenka Soomaaliya.

Boobka guriyaha gaar ahaan kiisaska ay ku lug-leeyihiin mas'uuliyiinta dowladda ayaa aad ugu badan caasimadda Muqdisho, iyaddoo go'aanada hay'addaha garsoorka ay yihiin qaar aan dhaqan-gelin iyo kuwa ka gaabiya cadaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo helay cadeymo Muujinaya Xiriirka Daacish iyo Somaliland

Toddobaadkii hore, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay heleen lacagta Somaliland oo looga tagey goobihii laga saarey Daacish.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 02:35PM

Laftagareen oo Ka Qayb Galay Xuska 129-aad ee Guushii Itoobiya ka gaartay dagaalkii Adwa

Wuxuu sidoo kale xusay in xuska noocan ah uu muhiim u yahay kor u qaadista isbeddelka siyaasadeed iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 12:40PM