"Khaladaad uu ku kacay" Farmaajo oo la balanqaadey in dib loo saxayo
NAIROBI, Kenya – Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa balanqaadey in uu dib u saxi doono khaladaadkii Farmaajo hadii uu kusoo baxo doorashooyinka 2020-21 ee nagu soo fool leh.
Isagoo u waramay wargeyska maxaliga ah ee Daily Nation, wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa soo bandhigay farqiga u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee uu sidda ka soo horjeedo.
"Waan ku kala duwanahay sidda ay tahay in Soomaaliya u shaqeyso. Wuxuu ku fekerayaa dowlad dhexe iyo maamul kelitalisnimo oo xoog leh. Aniga waxaan aaminsanahay in federaalku fiican yahay. Ahmiyadeena koowaad waa in aan Soomaalida ka dhex-yagleelno is-ogol. Isaga waa cagsideeda," ayuu xusay.
Dowladda Farmaajo ayuu ku eedeeyay in ay siyaasadeysay ciidamadda ayna si khaldan ugu adeegsatay siyaasiyiinta ka fekerka duwan si gaar ah isaga. Bishii December ayay dowladda weerartay gurgiisa halkaasoo lagu dhaawacay.
Al-Shabaab ayuu ka dhawaajiyey in ay ka faa'iideysatay dayacaada ay xukuumadda ka sameysay dhanka cadaaladda iyo maamulka dhaqaalaha.
"Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu u baahan yahay in uu awoodiisa ugu adeego dadka dib-u-qaabeynta. Ma jirto awood isla-xisaabtan. Maxkamadaha, baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha waxay hoostagaan madaxweynaha. Ma ahan si dastuuri ah waa xaqiiqooyinka siyaasadeed ee dhulka yaala," ayuu xusay.
Wallow uu carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay in la xaliyo saboolnimada, wada-lahaanshiyaha siyaasadeed iyo isku-dhafka dadka, xalka la dagaalanka argagixisada ayuu ku qeexay in muwaadin walba loo sameeyo aqoonsi.
"Dhinacyada farsamada ammaanka Soomaaliya wuxuu raacsan yahay siyaasadda. Amniga Soomaaliya waa siyaasad. Farmaajo wuxuu diirada saarey arrimaha farsamada. Balse siyaasad ahaan, waxyar uu ka qabtay," ayuu kusoo xiray.
Afartii sano ee uu xukunka dalka hayey Farmaajo, waxaa Muqdisho ka dhacay labadii qarax ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda kuwaasoo ay ku naf-waayeen boqolaal ruux, halka ay ku naf-waayeen tiro intaas ka badan.
Sidda ay muujisay warbixin uu soo saarey Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiiraal, Al-Shabaab ayaa mudadaas waxay uruursatay dhaqaale ka badan inta kahor soo geli jirtay isla markaana kaliya 2019-kii ay heshay 180 milyan oo Doolar ah.
GAROWE ONLINE