​Khasaaraha dagalka Galkacyo iyo Galmudug oo ka hadashay

Image

GALKACYO, Puntland- Khasaaro xoog leh ayaa ka dhashay dagaal maanta galinkii hore ka dhacay degmada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dirireen ciidamo ka kala tirsan labada maamul ee Galkacyo ka taliya.

Goobaha caafimaadka ayaa la dhigay in kabadan 80 ruux, waxaana dhimashada wadar ahaan la xaqiijiyay 24 qof. Dadka dhintay waxaa ka jira 6 ruux oo shacab ah.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa jiida hore kusoo bandhigay Labo gaari oo mid kamid ah saanad milletry saarantahay oo dagaalka ay ku qabsadeen.

Maamulka Galmudug, ayaa dagaalkaas ka hadlay wax yar kadib markii Puntland soo saartay war-saxaafadeed ay mas'uuliyadda dagaalka ku saarayso Galmudug.

Balse, Galmudug oo ayaa warkeeda ku sheegtay in Puntland markasta jabinayso ama ka baxayso hishiisyada la galo, iyadoo tusaale usoo qaadatay kuwii dhacay December, 2015 iyo November, 2016.

Galmudug, waxay intaas ku dartay inay ku howlaneyd sidii dhismaha guddi ka shaqeeya nabadda Galkacyo.

Dagaalkii maanta ayay eediisa dusha uga tuurtay maamulka Puntland oo ay ku dhaliishay colaadda magaalada Galkacyo.

Xaaladda magaalada ayaa iminka dagan, waxaase dagaalka kasta oo dhaca uu noqdaa mid dhinaca walba kan kale ku eedeeyo.

Majirto wax tallaabo ah oo ilaa hadda xaaladda magaalada Galkacyo ka qaateen madaxda dowladda waqtigeedu dhammaaday iyo beesha caalamka, waxaaana guud ahaan xarunta gobolka Mudug ka qaxay dadkii ku sugnaa oo hadda ku dhibaataysan tuulooyinka hoos yimaada degmadaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM