Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Wisil oo kordhay

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday weerar ay maleeshiyada Al-shabaab saaka waabarigii ku qaadeen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkan uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.

Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa VOA u sheegay in qaraxa gaariga kaddib ay ciidmada Galmudug iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen maleeshiyada Al-sbabaab oo magaalada soo galay, iyadoo labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha VOA ee magaalada Galkacyo Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq, dadka geeriyooday waxaa ka mid ah dad rayid ah oo rasaasta iyo madaafiicdu haleeleen iyagoo jooga guryahooda.

Dad ku sugan magaalada Wisil oo ay VOA la xiriirtay ayaa u sheegay in khasaaraha dhimashadu uu intaas ka badnaan karo. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Galmudug.

Magaalada Wisil oo istiraatiiji u ah isku socodka Galmudug ayaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu amniga badan Galmudug.

Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib u habeyn ku sameyneysay ciidankeedda, iyadoo la sheegay inay u diyaargaroobeyso howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo Jimcihii booqday xerada 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka uu ku 'boorriyay' sugidda amniga.

Dhinaca kale, ugu yaraan lix qof oo rayid ah ayaa geeriyooday, kaddib markii gaari ay la socdeen ay miino kula kacday inta u dhexeysa magaalooyinkaa Wisil iyo Gawaan.

VOA

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo u ogolaatay Itoobiya inay qeyb ka noqoto AUSSOM

Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 07:11PM

Madaxda Sirdoonka iyo Militeriga Itoobiya oo booqday Muqdisho

In kasta oo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer joogeen Soomaaliya, heshiiskani wuxuu muujinayaa iskaashi rasmi ah iyo qaab-dhismeed leh.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 12:41PM