Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay duleedka Baydhabo
BAYDHABO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo loo adeegsaday miino oo maanta ka dhacay suuqa xoolaha degaanka Goof-gaduud Buurey oo 30 KM dhanka Waqooyi uga aadan magaaladda Baydhabo.
Gudoomiyaha tuuladaasi, Xasan Bayow, ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in 8 ruux oo gabigooda dad shacab ahaa ku geeriyoodeen dhacdadaasi, isla markaana dhaawaca uu ka badan yahay 40.
"Dadka dhaawaca ah oo reer baadiyo ah waxaa loosoo qaaday isbitaal wayn ee magaaladda Baydhabo, si loogu daaweeyo," ayuu Gudoomiyhu yiri isaga oo telafoonka kula hadlaya GO.
Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay masuuliyadda falkaan, balse maamulka degaanka ayaa ku eedeeyay xoogaga Al-Shabaab.
"Ma jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda oo goobta ku sugnaa, mana aysan tagi jirin halkaasi…laakiin waxay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay kooxdaasi cadowga ah ku beegsaneyso dadka," ayuu hadalkiisu daba dhigay.
Illo xog ogaal ah ayaa u dusiyay GO in dhacdadaan ay ka dambeysay markii qaar kamid ah ganacsatada waawayn suuqaasi ay u diideen Shabaab bixinta lacago ay kooxdu ugu yeerto Zakawaad.
"Way jirtaa arrintaasi, wayna diideen ganacsatada in ay bixiyaan," ayuu Gudoomiye Xasan ku jawaabay markii su’aal arrintaasi ku saabsan la hordhigay, wallow uu qiray in ay ka gaabiyeen sugida amniga ganacsatada.
Dowlada Soomaaliya ayaa horey ugu digtay ganacsatada lacagta siiya Shabaab, iyadda oo sheegtay in ay talaabo adag ka qaadi doonto, inkasta oo aanu jirin talaabo cad oo ay ka qaaday arrinkaasi.
Lacagaha ay ka qaado ganacsatada ayaa la rumeysan in kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida uu u yahay isha dhaqaale ee ugu badan marka laga yimaado dhoofinta dhuxusha, wallow gaabis uu ka yimid dhinacaasi.
"Sababta badisa waxyeelada waa in Arbacadii uu suuqu yahay mid mashquul ah oo la isaga kala yimaada gobolka Bay oo idil," ayuu yiri Afhayeenka Koonfur Galbeed, Nuuradiin Gacma.
Ugu dambeyntii, afhayeenka oo shaaca ka qaaday in la bilaabay baaritaan ku aadan dhacdadaan ayaa wacad ku maray in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii ka dambeeyay.
GAROWE ONLINE