Khasaaraha madaafiicda lagu duqeeyay Dhuusamareeb

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro askari ayaa lagu waramay in ay dhaawacyo kasoo gaareen hoobiyeyaasha xalay saqdii dhexe lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo qaybo kamida magaalada.

Dhaawacyadda ayaa xaaladooda lagula tacaalayaa goobaha caafimaadka ee caasimadda Galmudug, sidda ay Garowe Online u sheegeen illo xog ogaal ah.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen weerarkaas loo adeegsaday madaafiicda.

"Ku dhowaad 30 daqiiqo ayay si xiriir ah ugu dhacayeen magaaladda hoobiyeyaasha," ayuu yiri wariye madaxbanaan oo u waramay mareegga GO.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli magaaladda ay ku sugan yihiin madaxda ugu sareysa dowladda federaalka ah iyo qaar kamid ah hogaamiyeyaasha maamulada.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland ayaa la filayaa in ay maanta ku biiraan magaaladda halkaa soo la filayo in uu maanta ka furmo shirka wadatashiga.

Inkasta oo ciidamadda ay waddaan howlgalo ay nabad-gelyadda ku xaqiijinayaan, haddana weerarka madaafiicda ayaa tooska ku ifinaya in ay jirto baahi weyn oo loo qabo iskaashi looga hortagayo suurtagalnimadda falal kale oo dhici kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM