Fahfaahin ku saabsan qaraxii wadada Maka Al Mukarama [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa ka dhacay nawaaxiga hotel Wehliye ee magaaladda Muqdisho, durhumadii maanta oo Khamiis ah.

Liibaan Axmed, sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya, ayaa u sheegay Garowe Online, in qaraxu ka dhacay kasoo horjeeda maqaayadda Bilsan oo ku teedsan isgoyska Dabka ee caasimada.

Ugu yaraan 3 saddex ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyay in ay ku dhimatay dhacdadaasi, xili tirro intaasi ka badan oo dhaawacmay loola caray isbitaal, sida laga soo xigtay Kabtan Liibaan.

Khasaaraha dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto, sidda uu ka dhawaajiyay Liibaan, kaasi oo sabab kaga dhigaya in aysan jirin tiro koob rasmi ah oo laga sameeyay waxyeeladda.

"Gaari nooca raaxada ah ayaa sababay qaraxa … burburka hantiyadeed ayaa ka dhashay," ayuu raaciyay Liibaan, kaasi oo ka gaabsaday in uu cayimo bartilmaameedka qaraxa.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxaan oo qayb ka ah kuwa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika.

Todobaadkaan kaliya Muqdisho waxaa ka dhacay in ka badan 5 qarax, kuwaasi oo mid kamid ah lagu beegsaday xarun ay degan yihiin wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha Guud halkaasii lagu dilay 15 shaqsi.

Al-Shabaab oo Muqdisho ka fulisa weeraro noocaan ah tan iyo markii ay ciidamada AMISOM ka saareen 2011-kii ayaa la sheegay in ay todobaadyadii u dambeeyay soo gelisay magaaladda gaadiid miineysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM