Khasaaraha qaraxii ka dhacay Muqdisho oo kordhay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo duhurnimadii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay gaari walxa qarxa lagu soo xiray, kaasoo lala beegsaday koontaroolka ugu muhiimsan ee laga ilaaliyo Villa Somalia.

Inta la xaqiijiyay sideed ruux ayaa ku geeriyootay dhacdadaan, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhowaad tobban kale.

"Dadka dhintay dhamaantooda waa shacab," ayuu yiri Ibraahim Maxamed, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Caasha Maxamed, goobjooge, ayaa u sheegtay warsidaha Garowe Online, in qaraxa uu burburiyay goobo ganacsi oo halkaasi ka agdhowaa, oo ay kamid ahaayeen makhaayado.

"Qaraxa aad ayuu u cuslaa…wuxuu ka dhacay kontaroolka koowaad ee laga ilaaliyo madaxtooyada ee ku dhow taalada Xaawa Taako," ayay Caasha hadalkeeda raacisay.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyada falkaan ayaa tilmaamtay in ay bartilmaameedkoodu uu ahaa bartaasi koontarool, islamarkaana ay ku dishay ku dhawaad 10 askari iyo saraakiil.

"Goobaha ganacsi ee uu saameeyay qaraxa ayaa u badan makhaayado," ayuu yiri Ibraahim, kaasoo ku daray "Dhimashada way kordhi kartaa.

Dhanka kale, qarax ka dhashay Miino ayaa kolanyo ka tirsan AMISOM lagula eegtay degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho, duhurnimadii maanta.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labo askari oo kolanyada la socotay ay ku dhaawacmeen weerarkaasi jidgalka ah. Askarta ayaa la sheegay in ay u dhasheen Uganda.

Fiidnimadii Khamiista, qarax Miino oo askar ka tirsan dowladda lagula eegtay isla duleedka caasimada waxaa lagu dilay hal askari xili ay ku waxyeeloobeen labo kale.

Jimcadii lasoo dhaafay, weerar lagu qaaday huteelo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama kaasoo socday 24 saacadood ayaa lagu lagu dilay 30 ruux.

Bishii Febuary, AlShabaab ayaa beegsatay suuqa mashquulka badan ee Xamarwayne halkaasi oo ay ku dishay tobanaan qof.

Mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ayaa weerar cirka ah ku beegsada Al-Shabaab degaanada ay joogaan.

Madaxwayne Farmaajo oo doorashadii bishii Febuary 2017-kii kahor balanqaaday in uu Al-Shabaab kaga saari doono dalka muddo labo sano ah ayaa todobaadkaan qiray in uusan amniga dalka ku sugi karin labada sano ee u hartay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM