Khasaaraha weerarkii wasaaradaha ee Muqdisho oo kordhay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerartay dhismayaal dowladeed oo ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dishay 15 ruux.

Wasiir ku xigeenka shaqada, Saqar Ibraahim Cabdalla iyo askar kale oo Boolis ah ayaa kamid ah dadka dhintay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerarka ku bilaabay is-miidaamin ay xigtay in dabley ay galeen xafiisyada wasaaradaha.

Saraakiisha ayaa sheegay in Shan dabley ah oo duulaanka soo qaaday lagu khaarijiyay inta uu socday howlgalka badbaadinta.

Goobta la beegsaday oo ku taalla isgoyska Jubba ee degmada Shangaani ayaa waxay hoy u tahay wasaaradaha shaqada, howlaha guud iyo Booliska gobolka.

Al-Shabaab ayaa howlgalo noocaan ah ka fulisa caasimada dalka tan iyo markii laga saarey magaala madaxda sanadkii 2011-kii.

Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah Shabaabka Soomaaliya tan iyo markii uu xafiiska yimid Donald Trump.

Wasaarada difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in Al-Shabaab oo gacanta ku haysa qaybo badan oo dalka kamid ah ay wali awood u leedahay abaabulka weeraro.

Inta badan weerarada ay kooxda ka fuliso qaybo kamid ah wadanka ayaa isugu jira is-miidaamin, qaraxyo gaari lagu soo xiro, madaafiic iyo mid toos ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM