Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay duleedka Beledwayne

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle - Dagaal u dhaxeeya laba maleyshiyo oo kala  taabacsan beelo walaalo ah ayaa Arbacada maanta ah wuxuu ka dhacay degaanka Haar-caddey ee duleedka galbeedka Beledwayne.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dagaalka uu ka bilowday "is-qabqabsi beeleed" isla markaana uu gacan ka hadal si toos ah isugu bedelay habeenimadii xalay 4-ta bisha Maarso.

Taliska booliska dowlad goboleedka HirShabelle oo xaqiijiyey isku-dhaca ayaa xusay in xiisadda ay shalay taagneyd isla markaana kala dhex-galeen maleyshiyadda balse ay ka war heleen dagaalka xalay dhacay.

Cabdiwali Xasan Jimcaale, afhayeenka booliska HirShabelle, ayaa hoosta ka xariiqay in ay ciidamo u dirayaan meesha ay wax ka dhaceen "si ay u qaboojiyaan in iska-hor-imaad uu mar kale ka dhex-qarxo".

"Illaa hadda ma hayno wax dhimasho ah. Balse waxaa jira dhaawacyadda afar qof oo ah makharo iyo faasas la isla dhacay," ayuu yiri afhayeenka oo u waramay Idaacadda duhurnimo ee BBC Soomaali.

Mr Jimcaale oo dad uusan magacaabin ku eedeeyay "hurinta colaadda" ayaa ugu baaqay darafyadda diriraya in ay nabad ilaaliyaan isla markaana ay joojiyaan "dhiiga ay sababta maalaayacniga ah ku daadanay".

"Hadda aan kula hadlaayo ma jirto wax isku-dhac ah oo jira. Balse, waxaan halkaas u diri doonaa wafuud iyo ciidamo kale si loosii hubiyo in xaaladda ay deganaato," ayuu afhayeenka ku daray.

Gobolka Hiiraan oo Beledwayne ay xaruntiisu tahay waxaa tan iyo markii la doortey hogaanka cusub ee HirShabelle ka jirtay diidmo ka dhan ah maamulkaas taasoo ku saleysan in sheego ah "in la gacan-bidaxeeyay".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM