Iska hor-imaad ka dhacay garoonka diyaaradaha Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay, laba kale way ku dhaawacantay kadib iska hor-imaad galabnimadii Khamiista ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo, caasimada ku meel gaarka Jubbaland.

Tacshiiradda oo u dhaxeysay ciidamada amaanka madaarka xarun goboleedka Jubadda Hoose iyo ilaalada murashax madaxweyne ayay warar kala duwan waxa ay kasoo baxayaan sababta dhalisay.

Askariga dhintay oo kolkii hore dhaawac ahaa loola cararay Isbitaal ayaa lagu waramayaa in Saaladii Maqrib kadib uu geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Wali lama xaqiijin hadii askariga dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ay yihiin ilaalada murashax ama ciidamada amaanka Jubbaland. Balse baaris ayaa ku socota.

Illo wareedyo ayaa dusiyey Garowe Online in isku dhaca uu yimid markii xoogaga maamulka Axmed Madoobe ay fareen kuwa daacad u ah siyaasiga in ay hubka dhigaan, ayna iyaga sugayaan amaankiisa.

Hasayeeshee, ilaalada Cabdinaasir Seeraar ayaa ku gacan-seyray dalabkaasi, taasi oo dhalisay in goobta bedesho madal dagaal, inkasta oo midkoodba uu kan kale ku eedeynayo in uu isaga bilaabay xabadda

Taliska ciidanka ilaalada ka haya gigida diyuuradaha Kismaayo ayaa ku eedeeyay Cabdinaasir "kicin, abaabul dagaal iyo khal-khal gelinta amniga garoonka".

Balse, Mr Seeraar oo ganafka ku dhuftay eedeymahaasi ayaa su'aal ka keenay sababta loo baarayo, isaga oo ku sifeeyay in ay tahay arrin siyaasadeysan, oo uu isku soo dabariday hogaamiyaha Jubbaland.

Seeraar, oo la sheegay in uu magaalada Muqdisho ka baxay ayaa ciidamada cod dheer uga dalbaday in dhex u noqdaan siyaasiyiinta ku har-dameysa kursiga ugu sareeya maamulka aan ku shaqeyn xaruntiisa rasmiga ah.

Is-rasaaseynta ayaa kusoo beegmaysa xili todobaadkii hore uu madaxweyne Axmed Madoobe uu ka digay "falal liddi ku ah amniga Kismaayo oo lagu diyaarinayo magaala madaxda dalka".

Tani ayaa sidoo kale imaaneysa xili Jubbaland ay isku diyaarineyso doorashada madaxtooyada oo 18-ka Agoosto loo balansan yahay xili tan baarlamaanka ay dib uga dhacday xiligii loo qorsheeyay.

Villa Soomaaliya, oo heshiis ku qotoma dhanka doorashada Jubbaland la gashay Axmed Madoobe, ayaa mashquulsan sidii ay uga takhalusi lahayd Axmed Madoobe, oo shir uga qaybgalaya Garowe.

Seeraar oo horey u soo noqday afhayeenka maamulka Jubbaland ayaa cilaaqaad dhow la lahaa Axmed Madoobe oo ay isku reer kasoo jeedaan balse ay isku dhaceen mar sii horeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM