Dad ku dhintay ismiidaamin ka dhacay Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin oo ka dhacay isgoyska Jubba ee u dhaxeeya degmooyinka Boondheere iyo Shangaani ee magaalada caasimada u ah Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.
Inta la xaqiijiyey saddex qof oo uu ku jiro ismiidaamiyaha ayaa ku nafwaayey weerarka halka ay ku dhaawacmeen tireo intaas ka badan kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaala madaxda.
Sida ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo u waramay warsidaha Garowe Online, ismiidaamiyaha ayaa beegsaday maqaayad ay ku sugnaayeen dad shacab ah.
Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyada falkaas ayaa tibaaxdey in ay ku dishay 12 qof oo ay la xiriirisay dowladda iyo ciidamada Soomaaliya kuna dhaawacmay tirro kale.
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ka falceliyey qaraxa ayaa shaaca ka dhigay in uu si kulul u cambaareynayo isla markaana uu murugada la wadaagayo qoysaska rayidka ku geeriyoodey.
"Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Alshabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan," ayuu ka dhawaajiyey.
Wuxuu intaas ku daray: "Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo".
"Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada," ayuu hadalkiisa ku waayey.
Weerarkan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay maalmihii lasoo dhaafay jireen digniino ka imaanayay laamaha amniga oo ku saabsanaa weeraro ka dhici kara caasimada kuwaas oo lala beegsan karo goobaha ay ku kulmaan dadweynaha ee magaala madaxda Soomaaliya.
GAROWE ONLINE