​Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Duleedka Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia- Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay duleedka magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka oo ka dhacay deegaanka Goob-weyn oo qiyaastii 13KM u jirta magaalada Kismayo aya lagusoo waramayaa in lala eegtay meherad inta badan fariistaan ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa ka shay weerarkaas, inkastoo aan la hayn tirada rasmiga ah.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, waxayna shaaciyeen inay dileen 3 kamid ah ciidamada Jubbaland halka dhawaca ay sheegteen 8 askari.

Balse goob joogayaal la hadlay GO, ayaa xusay in weerarkaas sidoo kale waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha amniga maamulka Jubbaland.

Xaaladda deegaanka Goob-weyn ayaa iminka dagan.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli maamulkaasi uu gobolka Jubbada hoose ka waday howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kadib markii ay deegaanadaas ka gaysteen dhibaatooyin ka dhan ah dadka shacabka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM