Mas'uuliyiin lagu dilay is-qarxin lagula eegta Gaalkacyo

Image
Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Qarax ayaa waxaa lagu waramay in uu Jimcada maanta ah ka dhacay koonfurta Gaalkacyo halkaasoo uu u socdaalay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay afaafka Garoonka ciyaaraha kubada cagta ee C/llaahi Ciise kahor inta uusan goobtaas tagin Rooble oo shacabka kula hadli lahaa.

Sidda ay muujinayaan fahfaahinada, naftii-halige ayaa fuliyey weerarka kaasoo beegsaday goob ay ku badnaayeen saraakiisha ugu muhiimsan ee hay'addaha ammaanka.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaan wali la xaqiijin karin. Balse waxaa laga cabsi qabaa in ay ku naf-waayeen saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin kale oo xilal sar-sarre horey u soo qabtay.

Xubnaha la xaqiijiyey in dhacdadan ku naf-waayeen ayaa kala ah;

  1. - Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje, taliyihii qeybta 21aad ee milatariga Soomaaliya
  2. - Gaashaanle Mukhtaar, taliyaha kumaandooska Dana bee qeybta Galmudug
  3. - Maxamud Yaasiin Tumey, duqii hore ee magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa aalaba sheegta weerarada noocaan ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamah Soomaaliya.

Bishan December, 13-keeda, qarax miino oo ka dhacay nawaaxiga xarunta dowlada hoose ee koonfurta Gaalkacyo ayaa dhaawacay sideed ruux oo uu ku jiro duqa Gaalkacyo ee Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM