Khasaaro ka dhashay qaraxyo ka dhacay Baydhabo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku nafwaayey, in ka badan 8 kalena way ku dhaawacmeen qarax Jimcada maanta ah ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca weerarka oo goobta uu ka dhacay ay ku sugnaayeen ciidamo kuwaasoo loo maleynayo in bartilmaameedka koowaad uu ayaga ahaa.

Saraakiil ammaan oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa daaha ka rogay in dhaawaca oo isugu jira rag iyo dumar la dhigay isbitaalka weyn ee magaala madaxda gobolka Baay.

"Jugta qaraxu way cusleyd. Hase ahaatee, cidina si deg-deg ah uma sheegi karto noociisa," ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha oo magaciisa uga gaabsaday sababo in aan loo ogoleyn la hadalka saxaafadda iyo dhacdada oo baaris lagu bilaabay.

Goobjooge u waramay bogga GO laguna magacaabo Liibaan Maxamednuur Aadan ayaa xaqiijiyey in qaraxa "aadka u cuslaa" uu ka dhacay goob lagu iibiyo Jaadka.

Dagaalameyaasha gacansaarka la leh maleyshiyadda Al-Qaacida Al-Shabaab ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkaan maadaama ay aagaas ku xoogan yihiin.

Dhanka kale, qarax kale ayaa lagu waramay in uu ka dhacay isla gudaha Baydhabo gaar ahaan goob lagu keydiyo qaraxyada. Wali lama soo warin khasaaro ka dhashay falkaas.

Dhacdooyinkan ayaa imaaneysa maalin kadib markii hogaamiyeyaasha Soomaaliya ay Muqdisho ku saxiixeen heshiis doorasho oo xeerinaya in coddeynta ku dhacdo laba bilood.

Heshiiskaas ayaa kasoo baxay wadahadalo uu dibad-joog ka ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo kaasoo caddeeyay in waajibaadkiisa uu yahay sidii uu uga shaqeyn lahaa dhaqan-gelinta iyo meelmarida heshiiskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM