KHAYRE: Aniga iyo Farmaajo ma aqbali doono in nala cabsiiyo [DAAWO]

Image

DOHA - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo marnaba aqbali doonin in la cabsi geliyo, oo laga leexiyo wadada ay ku wadaan dowladda ay hogaamiyaan.

"Inta aan annaga joogno xukun, waxaan adiin balan-qaadayaa inaan aqbali doonin in nala cabsiiyo, inaan aqbali doonin in dariiqa saxda ah nalaga leexiyo, inaan aqbali doonin in la yiraahdo nala shaqeysta hadii kale waan adinka rideynaa," ayuu yiri Khayre.

Khayre oo hadalkan ka jeediyay munaasabada soo dhaweyn ah oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar ugu sameeyeen Doha ayaa tilmaamay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo go'aan ku gaareen inaysan sharafta Soomaaliyeed ka raadin qab-qabliyaasha.

Hadalka Khayre oo carro ka muuqatay ayaa uga fal-celinayay Mooshinka ka dhanka ah Madaxwayne Farmaajo kaasoo abuuray khilaaf kala oo siyaasadeed oo kala qeybiyay Gollaha Shacabka, oo Xildhibaanada kala taageeray Mursal iyo Farmaajo.

“Inta aan inagu nahay madaxda, aniga oo ku hadlaya keyga iyo kan Madaxwaynaha, waxaan idin sheegi doonaa in sharafta aan ka raadineyno kama raadineyno qab-qablayaal, ee waxaan ka raadineynaa shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Khayre ayaa booqasho ku jooga dalka Qadar, gaar ahaan Doha, halkaasoo uu uga qeybgalay Shirka "Doha Forum" isagoo dhanka kale kulamo la qaatey mas'uuliyiin sare oo uu kamid yahay Amiirka Qadar, Tamim bin Hamad Al Than.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM