KHAYRE: Aniga iyo Farmaajo ma aqbali doono in nala cabsiiyo [DAAWO]

Image

DOHA - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo marnaba aqbali doonin in la cabsi geliyo, oo laga leexiyo wadada ay ku wadaan dowladda ay hogaamiyaan.

"Inta aan annaga joogno xukun, waxaan adiin balan-qaadayaa inaan aqbali doonin in nala cabsiiyo, inaan aqbali doonin in dariiqa saxda ah nalaga leexiyo, inaan aqbali doonin in la yiraahdo nala shaqeysta hadii kale waan adinka rideynaa," ayuu yiri Khayre.

Khayre oo hadalkan ka jeediyay munaasabada soo dhaweyn ah oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qadar ugu sameeyeen Doha ayaa tilmaamay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo go'aan ku gaareen inaysan sharafta Soomaaliyeed ka raadin qab-qabliyaasha.

Hadalka Khayre oo carro ka muuqatay ayaa uga fal-celinayay Mooshinka ka dhanka ah Madaxwayne Farmaajo kaasoo abuuray khilaaf kala oo siyaasadeed oo kala qeybiyay Gollaha Shacabka, oo Xildhibaanada kala taageeray Mursal iyo Farmaajo.

“Inta aan inagu nahay madaxda, aniga oo ku hadlaya keyga iyo kan Madaxwaynaha, waxaan idin sheegi doonaa in sharafta aan ka raadineyno kama raadineyno qab-qablayaal, ee waxaan ka raadineynaa shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Khayre ayaa booqasho ku jooga dalka Qadar, gaar ahaan Doha, halkaasoo uu uga qeybgalay Shirka "Doha Forum" isagoo dhanka kale kulamo la qaatey mas'uuliyiin sare oo uu kamid yahay Amiirka Qadar, Tamim bin Hamad Al Than.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM