Khayre oo booqday xarunta Taliska ciidanka Booliska

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa saaka booqasho kormeer ah ku tagey xarunta Taliska ciidamada Booliska dowladda ee magaalada Caasumadda ah ee Muqdishu.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha oo ay ku wehlinaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka ka mid ah, ayaa Ujeedkeedu wuxu ahaa u kuurgalista Xaaladda Booliska.

Taliyaha ciidamada Booliska Somalia General Cabdi Xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa ku soo dhaweeyay Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxda kale ee la socotay xarunta, halkaasi oo uu Salaan sharaf ku siiyay.

Intaasi kadib, ayaa Mudane Kheyre ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Booliska oo la xiriirta xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada, iyo sida ay u gutaan Waajibaadkooda sugida amniga dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo noqday Askari Boolis ah oo ka howlgali jiray degmada Hodon, ee gobolka Banaadir, islamarkaana uu aaminsan yahay in Booliska uu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dadka.

Wuxuu kula dardaarmay Ciidamada Booliska inay gutaan Waajibaadkooda qaran, isagoo u balanqaadey in Dowladdiisa ay ahmiyad koowaad siin doonto bixinta Xuquuqdooda iyo mushaaraadka bil kasta.

GAROWOENLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM